Muungaab oo sheegay in la furi doono Waddooyinka Caasimadda ee haatan xiran

0
481

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sareeye Guuto Xasan Max’ed Xuseen Muungaab oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in ay sii xannibnaadaan waddooyina Caasimadda Muqdisho.

Muungaab ayaa sheegay in aan la aqbaleynin waddooyinka u xiran shirkadaha, Hya’adaha iyo Safaaradaha , islamarkaana Maamulkiisu uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu furi doono shacabka.

“ Maaha in Hay’adaha iyo Shirkaduhu cabsadaan Caasimaddu waa Nabad Gelyo ha sugtaan ammaanka irdahooda laakiin yeysan shacabka ka xirin waddooyinka” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Tallaabada uu ka dhawaajiyay duqa Muqdisho ayaa u Muuqata mid wax ku ool ah maadaama qeybo badan oo muhim u ahayd isku socodkii dadka iyo gaadiidka ay hadda yihiin marka laga hadlayo Gobolka Banaadir kuwa gebi ahaanba xanniban.

mun