Ugu yaraan 4 Ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Qarax Xoogan uu Caawa ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaala Xaafada Pangani ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Qaraxani oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa lala beegsaday Saldhiga Booliska ee Xaafada Pangani waxaana halkaasi ku dhintay 4 Ruux oo labo ay ka mid ahaayeen Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya.
Taliyaha Ciidamada Booliska David Kimaiyo ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen labo Sarakaal oo ka tirsan Booliska Kenya isagoona sidoo kale tilmamaay in labo Ruux oo lagu tuhsan yahay ku lug la haanshaha Weerarkiisi in ay gacanta ku soo dhigeen.
Qaraxan ka dhacay XaafadaPangani ee Magaalada Nairobi ayaa waxuu ku soo aadayaa iyadoo Dalka Kenya ay ka socdaan howlgallo lagu raafayo Soomaalida ku Nool halkaasi waxaana xusid mudan ku dhawaad 200 oo Soomaali ah in dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.




