sida uu wararka noogo xaqiijiye Magaalada Muqdisho Goobjooge, Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta Duqeymo ka fuliyay Tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
AMISOM ayaa madaafiic ku garaacday Degaanada Baqtiile iyo Dani ee Gobolka Sh.Hoose halkaasi oo lagu tuhmay in Fariisimo ay ku leeyihiin Dagaal yahano ka mid ah Ururka Al Shabaab oo ka soo hoejeeda jiritaanka Dowladda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaafiicda AMISOM ay ku tuureen Degaanada Dani iyo Baqtiile in ay Khasaaro u geysteen Dad Shacab ahaa.
Weerarkan ayaa waxuu ku soo aadayaa Iyadoo Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose uu ka socdo Howlgallo lagu Dagaalamayo Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab.




