Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada Kufsiga ugu badan uu ka dhaco

0
466

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Wadamada Soomaaliya , Afghanistan Afrika Dhexe iyo Burma ay yihiin wadamada Kufsiga ugu badan ay ka dhacaan Caalamka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Mon ayaa u sababeeyay wadamadaasi waxa ku badiyay Xad gudubyada maadaama ay yihiin kuwa ay hareeyeen Khilaafyo iyo Dagaallo u dhexeeya dowladaha dalalkaasi iyo Mucaaradkooda isagoo carabka ku adkeeyay in arrimahaasi ay fududeeyeen Kufsiga iyo Xad gudubyada loo geysto dadka taagta daran ee dumarku ay ugu horeeyaan.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa Xad gudubyada ay ka mid yihiin falalka Jinsiga ah ee loo maro xagga Kufsiga.Ban-Ki-Moon_1932746c-150x150