Galmudug Oo Yeelatay Wasiiro Cusub & Banaanbax Lagy taageerayo Oo Ka Dhacay Koonfurta Gaalkacyo

0
268

Waxaa maanta oo Talaada ah ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo banaanbax lagu taageerayo dhismaha Golaha Wasiirada cusub ee uu shalay (Isniin) ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Hogaamiyaha Galmudug ayaa dhawaan kala diray Golihiisii Wasiirada kadib arrimo la xariira wax qabad la’aan lagu dhaliilay maamulka Galmudug oo ka taliya koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo qeybo kamid ah koonfurta gobalka Mudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa Wasiirada uu magacaabay ay gaarayaan 12 wasiir kuwaasi oo kala ah:

1. Cawke Xaaji Cabdiraxmaan – Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda
2. Xarbi Cali Kulane – Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamka
3. Xareed Cali Xareed – Wasiirka kheyraadka
4. Xasan Faarax Barre – Wasiirka Arrimaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta
5. Maxamed Cabdiqaadir Xaashi – Wasiirka Waxbarashada
6. Maxamed Aadan Qalabxoor – Wasiirka kalluumeysiga
7. Axmed Shariif Cumar Maxamuud – Wasiirka Caafimaadka
8. Cabdi Yuusuf Xasan – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga
9. Xasan Maxamed Siciid Gacaliye – Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha
10. Axmed Maxamuud Araxeey – Wasiirka Isboortiga, Shaqada iyo Shaqaalaha
11. Xasan Cabdiqaadir Xasan – Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta
12. Xasan Xaashi Warsame – Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska