Xarakada dagaalyahanada Alshabaab oo guulo ka sheegtey dagaalo ka dhacey meelo kala duwan,gobolada dalka.

0
457

Xarakada dagaalyahanada Alshabaab ayaa sheegey in ay weerar ku qaadeen meelo badan oo dalka gudihiisa ah,sida gobolka bari ee maamulka puntland,SH/dhexe iyo Sh/hoose,kuwaas oo dhamaantood ay guul ka sheegteen.

Abu muscab afhayeenka hawlgalada Alshabaab ayaa sheegey in ay jab u geysteen ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom isagoo sheegey in ay ku qanimeysteen hub iyo gaadiid farabadan,isagoon soo hadalqaadin weeraro caawa iyo habeenkii ka horeeyey muqdisho gilgiley,taas oo lagu micneyn karo in aysan Alshabaab ka danbeyn qaraxyada iyo duqeymaha muqdisho habeenadan gariiriyey dawladuna garan weysey halka sarta ka quransantahey.

Maahan markii ugu horeysey ee dagaalyahanada Alshabaab ay guulo ka sheegato dagaalo dhacey,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo dagaalyahanada Alshabaab ay kordhiyeen hawlgalada ka dhanka ah ciidamada dawlada iyo ciidamada Afrika ee Amisom.