Dawlada goboleedka isku magacawdey Somaliland ayaa gebi ahaanba laga mamnuucey Tvga unversal oo ah Tv aad loo daawado kaas oo lagu eedeeyey in uu aflagaado u geystey m/weynaha maamulka Somaliland.
Wasiirka arrimaha warfaafinta Dhukuse ayaa xaqiijiyey mamnuucida Tvga universal,isagoona sheegey in laga doonayo hirgelinta heshiis ay tvga iyo maamulku wada galeen,isla markaasna ay raali gelin ka bixiyaan aflagaadada loo geystey m/weynaha qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye.
Agaasimaha Tvga oo isaguna hadley ayaa ku adkeystey in wax laga sheegi karo m/weynaha maamulka Somaliland,isla markaasna ay raaligelinayaan dhamaan intii dhibsatey,waana in ay dadkeenu ogaadaan in aysan habooneyn in shacabku ay halkii laga tagey ay weli joogaan aysan horumar keeneyn,m/weynaha iyo cid kasta wax laga sheegi karo madaxdana laga doonayo in ay xamilaan wax ka sheegistooda madaxda dalka hugaamisey.




