Ganacsade caan ah ayaa lagu diley xarun goboleedka jubaland iyadoo la sheegayo in ay dileen ciidamada raskampodi ee uu hugaamiyo Axmed Madoobe.
Ganacsadahan oo la sheegayo in uu magaalada kismaayo keeni jirey jaadka ayaa waxaa loo maleynayaa in loo diley aano qabiil ayaa sida la sheegayo waxey keentey in magaaladu ay aad u kacsantahey,dadka magaalada kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada raskampodi ay dilaan xiraan qofkii ay qoonsadaan.
Maahan markii ugu horeysey ee dad caan ah lagu dilo magaalada kismaayo,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo wadaadka hugaamiyaha kmg ee sheekh Axmed madoobe caleema saar loo sameeyey lagu dhigey kismaayo iyadoo dad badani u arkeen caleema saarka ujeedooyin guracan.




