Maxamu’d Maxamed Faarax Nabadoon caan ah oo lagu diley Garoowe.

0
197

Hugaamiye dhaqameed caan ah laguna magacaabo Maxamu’d Maxamed Faarax ayaa lagu diley magaalada Garoowe.

Dabley hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa nabadoonka toogtey,lamana garanayo ujeedada ay u dileen,iyadoo ay ka baxsadeen goobta markii ay nabadoonka toogteen.

Garoowe oo ah xarunta puntland ayaa hore loogu diley culimo,hugaamiye dhaqameed iyo wax garad kale,hase yeeshe dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan uu isbedeley maamulkii ka arrimin jirey puntland,uuna bedeley r/wasaarihii hore ee Dawladii kmg ee uu hugaaminayey Sheikh Shariif Sheekh Axmed.

Dilalkan kusoo badanaya maamul gobeleedyada ka jira dalka soomaaliya ayaa waxey tilmaan u yihiin in maamulgoboleedyada maanta ay siyaasiyiintu jaqsanyihiin aysan xal u aheyn arrimaha soomaaliya.