Maamulka xubin iyo xeeb ayaa kasoo ambabaxey gobolka puntland iyadoo lagu soo dhaweeyey si heer sare ah maamulka Galmudug dhinaca gaalkacyo ee ay maamulaan galmudug.
Labada maamul ee Galmudug iyo xubin iyo xeeb ayaa u muuqda labo maamul oo isbaheysi sameynsan doona iyadoo la sheegayo in ay gobolada dhexe laga hirgelinayo kaas oo ay qeyb ka yihiin dhamaan beelaha wada dega,waxaana maamulkaas gadaal ka riixaya dawlada Ethiopia oo ciidamadeedu ay dalka soomaaliya.
Maahan markii ugu horeysey ee leysku dayo in maamul laga hirgeliyo gobolada dhexe,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo ay hada is fahamsanyihiin labadan maamul ee deriska iyo dhalyadu ka dhaxeyso,ayna saldhig u noqon kara maamul laga hirgeliyo gobolada dhexe,waxaana beryahan dalka kasocda dhismaha iyo sameynta maamulgoboleedyada aan la oran karin horumar ayey dalka soomaaliya u yihiin.




