Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo maanta Kismaayo ka dhacey kuwaasoo dhinac taageerayeen ciidama kenya halka dhinaca kalena!!..

0
578

Banaanbaxyo iska soo horjeeda ayaa maanta ka dhacey magaalada kismaayo ee xarunta maamulka kmg ee jubba,kaas oo labada dhinac ku kala muujinayeen rabitaankooda,kaas oo kala ah iyadoo dhinac kamid ah labada dhinac uu taageersanyahey ciidamada ka socda dalka Kenya halka dhinaca kale uu kasoo horjeedo joogitaanka ciidamada Kenya ee ciidda soomaaliya.

Ciidamada dalka Kenya ayaa ciida soomaaliya soo galey iyagoo sheegaya in gudaha dalka soomaaliya laga soo weerarey,isla markaasna waxey xoog ku qabsatey gobolka J/hoose oo ay hore u maamuli jirtey xarakada dagaalyahanada Alshabaab.

Maamulka kumeelgaarka ah ee uu hugaamiyo Shekh Axmed Madoobe ayaa inta badan lagu xantaa in aanu ogolaanin xoriyada qawlka iyo soo bandhigida afkaarta xorta ah,hase yeeshee tani waxey imaneysaa iyadoo Shekh Axmed Madoobe loo caleema saarey m/weynaha abadiga ah ee Jubbaland.