Dagaal maanta ka dhacey buuraha Galgalo oo u dhaxeeya ciidamada puntland iyo dagaalyahanada Alshabaab.

0
734

Dagaal ka dhan ah alshabaab ayey qaadeen ciidamada puntland iyadoo la sheegayo in buuraha Galgalo weerar markii hore lagu qaadey kadibna ay weerar rogaal celis ah ay soo qaadeen,isla markaasna ay qabsadeen meelo hore looga qabsadey aroortii hore ee saakey.

Dagaalka iyo weerarka ka dhanka ah Alshabaab ayaa in mudo ah soo noq noqonayey,mana ahan mid xal laga gaarey tan iyo waqtigii uu puntland maamulayey C/raxmaan Shekh Maxamu’d Faroole,iyadoo maamulka puntland uu hada isbedeley,uuna xukunka la wareegey C/weli Maxamed Cali Gaas oo ahaanjirey R/wasaarihii hore ee dawladii Kmg.

Maahan markii ugu horeysey oo ay puntland weerar ku qaado buuraha Galgalo oo sheekh Max’d Atam iyo ciidamadiisa alshabaab ay deegaan iyo saldhig u tahey,waana goob in muddo ah ay puntland xal u la’dahey,waxaana ay dawlada C/weli Gaas bilawdey in ay dagaal ay ku sheegtey sifeyn alshabaab.