Ciidamada Ethiopia oo calanka dalkooda ka taagtey meelaha ay fariisimada ka sameysteen gudaha dalka soomaaliya.

0
528

Ciidamada ethiopia ee ku sugan ciida somaaliya ayaa calanka dalka ethiopia ka taagtey meelihii ay fariisinka ka sameysteen,iyadoo ay wax ku cusub tahey arinta ay ku dhaqaaqeen durbaba.

Dadka soomaaliyeed ayaa xasaasiyad weyn ka qaba ciidamada ethiopia waxeyna hada bilaabeen wax aaney hore u sameyn shanta dawladood ee ka horeeyey iyagoo ixtiraamaya dadka soomaaliyeed,hase yeeshee ciidamada ethiopia oo hada dhaq dhaqaaq ka bilaabey meelihii ay soo galeen ayaa dad badani waxey muujiyeen in aysan ogoleyn dalkooda in laga suro calan dawlad kale.

Maahan markii ugu horeysey ee ciidamada dalka ethiopia ay dalka soomaaliya soo galaan hase yeeshee tani waxey ku soo beegmeysaa iyadoo la siiyey ciidamada ethiopia ogolaansho ay kaga mid noqonayaan ciidamada Amisom,taas oo u muuqata waraabe xoolo xanaanee lagu yiri,aduunkuna aaney soomaaliya wax laxajeclo ah ka laheyn.

Ciidamada Ethiopia ayaa hada ku sugan gobolada Baay,Bakool,iyo Gedo,waxaana soo gelida ciidamada Ethiopia in ay dalka soomaaliya shafka u garaacey Madaxweynaha xiligan Xasan Sheekh Maxamuud.