Korneyl Xamari! CALEEMA SAAR MICNIHIISU WAA BOQORTOOYO! Mid kamid ah saraakiishii hore oo lagu magacaabo Korneyl Maxamud Xamari ayaa sheegey in caleema saar loo isticmaalo saldanada boqortooyada dhaqanka,waxeyna la micno tahey caleema saarka Axmed Madoobe iyo kan C/weli Gaas in ay wataan saldano durugsi ay dadka ku qaldayaan.
Kelmada caleema saar ayaa ah mid loo isticmaalo saldanada dhaqanka sida ugaas,malaaq,suldaan,waber iyo wixii lamid ah ayaa loo isticmaalaa caleema saar hase yeeshee waxaa la isweydiinayaa waxa hada kusoo beegey caleema saar iyadoo arinta Axmed madoobe aysan aheyn xiliga Axmed madoobe la doortey hada,ayna kismaayo tahey meel lagu muransanyahey oo ay tahey meel awood qeybsiga beelaha ay ku dhisantahey,sidee shaqsi kumeelgaar labo sano maamul loo dhiibey loogu sameeyaa wax loogu yeerey (caleema saar).
Korneyl Maxamud Xamari ayaa farta ku godey caleema saar kelmedda ah isagoo umada soomaaliyeed uga digey in ay dadka soomaaliyeed indhaha ku hayaan waxa ka danbeeya CALEEMA SAAR,in maanta loo adeegsanayo falsafad aan muuqan oo qarsoon dano guracana laga leeyahey.
Waa markii ugu horeysey oo laga maqlayo kelmada m/weyne goboleed marna la leeyahey waa la doortey marna waa la caleema saarayaa,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo laga muujinayo shaki u muuqda in la rabo waxa loogu yeero SALDANO DURUGSI aaney dadku fahamsaneyn.




