“Tarsan” Qofkii Shabaab Noo Sheega Meel Uu Ku Dhuumaaleysanayo Lacag baan Siinaynaa Oo Hadiyad Ah.

0
501

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Ururka Al-Shabaab, isaga oo balan qaad usameeyay qofkii Soo Sheega Dagaalyahanada Al- Shabaab.

Mudane Tarsan Ayaa Sidoo Kale Wuxuu si cad usheegay in hadiyad lacag ah oo qofkaasi uu aad ugu farxo uu heli doono, qofkii Shabaab soo tilmaama, waxaana uu intaasi ku daray in xitaa loo baahan yahay in tilmaam laga bixiyo Meesha Ay Dhigtaan hubka.

“Tarsan” Qofkii Shabaab noo sheega meel uu ku dhuumaaleysanayo lacag baan siinaynaa oo hadiyad ah hubkooda xitaa hadii naloo sheego qofkaasi hubka waan uqiimaynaa kalabar ayaana siinaynaa lacagta hubka”.

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir marnaba ma uusan soo hadal qaadin ammaanka qofka soo sheega Shabaab cida damaanad qaadeysa, iyadoo lawada ogyahay in ruux waliba oo Shabaab ah oo falal lidi ku ah dhanka ammaanka lagu qabto, lasiidaayo.