Daryanka madaafiic aan la garaneyn halka ay ku dhacayaa oo muqdisho laga maqlayo..

0
508

Madaafíic iyo duqeymo ayaa muqdisho waqtigan ka dhacaya kuwaas oo aan la garaneyn ujeedooyinka ka danbeeya,iyadoo la sheegayo in la duqeeyey airporka muqdisho isla markaasna ciidamada Amisom duqeyn kale kaga jawaabeen.

Waa wax lala yaabo in duqeymaha iyo dilalku joogto u noqdaan muqdisho iyadoo mar walba aad maqleyso in ciidamo hor leh lagu soo kordhiyey kuwii hore u joogey,wax soo kordhayana aan la arkeyn,iyadoo dadka siyaasada falanqeeyaa ay sheegayaan in aan loogu talo gelin in soomaaliya aan loogu talo gelin in ay degto sababtoo ah bey yiraahdeen waa loo soo shaqo tagey.

Waana taas mida sababta looga dhigey dhibaatada ay ku daashey soomaalidu,waxeyna madaafiicdan iyo duqeymahani kusoo beegmayaan iyadoo Ethiopia lagu darey ciidamada Amisom ayna soo galeen ciidda dalka soomaaliya sida gobolada Baay Bakool iyo Gedo ay isku balaarinaya.