Labo xubnood oo kamid ahaa wasiiradii xaley lagu dhawaaqey ayaa iska casiley xilkii loo magacaabey kuwaas oo kala ah
1 Maxamuud Axmed Nuur tarsan w/kuxigenka w/sportiga iyo dhalinyarada.
2 C/kaafi Macalim Xasan oo isna loo magacaabey wasiir kuxigenka Tamarta iyo Biyaha.
Labadan mas’uul ayaa siyaabo kala duwan ku micneeyey is casilaadooda waxeyna ku kala aragti duwanaayeen hadalka markii ay jeedinayeen waxeyna u kala muuqdeen kuwo aan isku si wax u arkin tusaale ahaan gudomiyaha gobolka banaadir Tarsan wuxuu sheegey in aan lagala tashan loona sheegin uusana xitaa wasiir diyaar u aheyn halka uu mudanaha kale qawadey xilka oo rabey in wasiir loo magacaabo.
Wasiirada oo lagu qorayey qodobo uu qeexayo dastuurku ayaad moodaa in aan la fiirin,waxaana barlamaanka horyaal xildhibaano shaley codsadey in loo codeeyo hadana codsadey in la rido xukuumadii ay ka tirsanaayeen maantana mar kale dhahaya ha naloo codeeyo ma iyagaa sidey rabaan barlamaanka u adeegsanaya?mise beelo ba’ay ayey ka hareen?
Waa su’aasha leys weydiinayo ee maxey kula tahey?




