R/wasaaraha dalka soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmey safiirka dalka ingiriiska u fadhiya soomaaliya,isagoo tan iyo xiligii la magacaabey qaabiladii ugu horeysey ay tahey,wuxuuna ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabey.
R/wasaaraha soomaaliya ayaa isaguna uga mahad celiyey safiirka ingiriiska u fadhiya soomaaliya,waxeyna labaduba u rajeeyeen labada dal kuwo xiriirkoodu sii adkaado waa soomaaliya iyo ingiriiskee.
Dawlada dalka britain ayaa ah dawlad galaangal weyn ku leh arimaha soomaaliya iyadoo mar kasta taageero dhaqaale iyo mid maamulba ku leh xafiiska r/wasaaraha mar walba talada haya,waana taas mida keentey in safiirku salaan iyo hambalyo hada ula yimaad r/wasaare C/weli Shekh Axmed oo hada laga sugayo in uu xukuumad soo dhiso.




