Dhismaha villa baydhabo oo dayactir lagu sameeyey kadib xariga laga jarey iyo madaxda dalka qaarkood….

0
622

Dhismaha villa baydhabo oo m/weyne Xasan Sheekh xariga ka jarey ayaa waxaa loo dayac tirey oo loo dhisey gudoonka barlamaanka iyo gudiyada uu leeyahey barlamaanka laftiisu.

Dhismahan oo hore u ahaan jirtey talis ciidamada xogga ah ayaa waxaa hada loo wareejiyey madaxda barlamaanka soomaaliya,gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo xaflada xariga looga jarayey dhismaha villa baydhabo ayaa aad ugu mahad celiyey intii ka qeyb qaadatey dhismaha goobtan.

Ugu danbeyntiina Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadalqaadey daahidda xukuumada laga sugayey r/wasaaraha cusub C/weli Sh/axmed,oo la sheegayo in m/weynaha wali ay isku mari la’yihiin,soo xulida wasiirada,waxaana warar hoose ay sheegayaan in r/wasaaruhu uu wato odayaal hawlgab ah oo da’dooda kan ugu yar uu 50jir yahey.