Barlamaanka cusub ee puntland oo doortey gudoomiye iyo labo gud.kuxigeen.

0
478

Barlamaanka cusub ee dawlad goboleedka puntland ayaa doortey gudoomiye iyo labo gudoomiye ku xigeen,barlamaanka puntland oo ka kooban 64 xubnood ayaa ah kuwo cusub oo bedelay kuwii hore u joogey,iyadoo ay jiraan tiro yar oo kusoo laabatey kursiga barlamaanka.

Waxaana gudoomiyaha barlamaanka puntland loo doortey nin hore usoo noqdey wasiirka xanaanada xoolaha marna soo noqdey xildhibaan dawladii uu madaxweynaha ka ahaa C/hi Yusuf alaha u naxariistee waa ninka lagu magacaabo Siciid Xasan Shire iyadoo sidoo kalena labo gudoomiye ku xigen oo la kala yiraahdo C/xamiid C/salaam iyo C/salaam macalim Daahir.

Barlamaanka cusub ee puntland ayaa doorandoona m/weynaha puntland iyo m/weyne kuxigeen hugaaminaya puntland afarta sano ee soo socota hadii alle nagu simo,waxaana ku loo lamaya in kabadan toban musharax oo uu ku jiro m/weynaha xiligan xilka puntland haya C/raxmaan Sheekh Maxamuud,waana la arki doonaa cidda ay barlamaanku u doortaan hugaaminta dawladgoboleedka puntland afarta sano ee nagu soo aadan insha allaah.