Ra’iisalwasaaraha dawlada federalka C/weli sh Axmed ayaa barlamaanka soomaaliya ka codsadey in la hakiyo ka doodista hindise sharciyeedyadii ay soo gudbisey xukuumadii uu hugaaminayey r/wasaarihii hore dr Saacid inta uu kasoo dhisayo xukuumada la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo.
Lama oga sababta ka danbeysa iyo culeyska ay ku hayaan r/wasaaraha hindise sharciyeedyada ay xukuumadii isaga ka horeysey barlamaanka geysey qaarkoodna la meelmariyey,waxaase barlamaanka hortiisa ka sheegey codsiga r/wasaaraha gud. Barlamaanka Max’d Shekh Cisman Jawaari.
Waa markii ugu horeysey ee r/wasaare C/weli Shekh Axmed uu barlamaanka codsi u diro,waxeyna kusoo beegantey iyadoo muran ka dhex jiro m/weynaha iyo r/wasaaraha kaas oo la xiriira qaab dhismeedka xukuumada uu soo dhisayo r/w C/weli Shekh Axmed.




