Qaraxyo lala eegtey ciidamada dawlada ayaa ka dhacey qaar kamid ah degmooyinka gobolka banaadir,kuwaas oo kala ah deg.Yaaqshiid iyo heliwaa.
Labo qarax oo ka kala dhacey labada degmo ee aan soo sheegney iyadoo ay ku dhinteen inta la ogyahey 2 qof halka mid kalena ku dhaawacmey,degmooyinka shibis iyo heliwaa ayaa kamid ah degmooyin laga qabsadey dagaalyahanada xarakada alshabaab iyagoo ahaa degmooyin ay aad ugu xooganaayeen balse mar qura laga war heley iyagoo isaga baxey,isla markaana mar kale doonaya in ay qabsadaan.
Maahan markii ugu horeysey ee qaraxyo lala beegsado ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo lagu jiro saacadihii ugu danbeeyey sanadki 2013.




