Gaadiid ay lahaayeen ciidamada dalka jabuuti ee ku sugan gobolka hiiraan ayaa jidka loo galey lana qabsadey iyadoo maleyshiyo beeleedki qabsadey gaadiidkaas ay ku kala aragti duwanaadeen qabsashada gaadiidka.
Maleyshiyo beeleedka oo kasoo jeeda degmada C/waaq ee gobolka galguduud ayaa dagaal dhexmarey waxey isaga dileen sida la xaqiijiyey labo ruux halka qaar kalena ay dhaawacmeen.
Qabsashada gaadiidka u socdey ciidamada dalka jabuuti oo aan wadanin wax ilaalo ah ayaa waxey imaneysaa iyadoo dawlada jabuuti m/weynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle uu sheegey in la kordhinayo tiradooda,iyadoo ay saameyn weyn ku leeyihiin dadka deegaanka wax lagu qafaashey dagaalyahanada xarakada Alshabaab oo kasoo horjeeda ciidamada ku hawlgala magaca Amisom.




