Fawzia Yusuf Xaaji Adam, Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Wafdi uu hogaaminayo Siihayaha Safaaradda China ee Soomaaliya Mr. Wei Hongtian oo gelinkii hore ee maanta soo gaaray Muqdisho.
Kulankaani Ay Yeesheen wufuuda dowladaha Soomaaliya iyo China Ayaa Waxa Ay isku dhaafsadeen Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed labada dal u dhaxeeya , qiimeynta iyo fulinta mashaariic dowladda China ay balan qaaday inay ka hirgelin doonto wadanka iyo dib u furidda Safaaradda China ee Soomaaliya Iyadoona Kulankaasi kadib , Wafdiga China ee uu hogaaminayo Mr. Wei Hongtian,ay booqasho ku tageen Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ay kula kulmeen Xoghayaha joogtada ee Wasaaradaasi Abukar Dahir Osman, oo Saxaafadda u sheegay Ujeedka socdaalka wafdiga ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda China uu la xiriiro qiimeynta mashaariic dib u dhis oo wadanka laga fulin Xergalinayo.




