Maxkamada ciidamada qalabka sida oo magaalada B/weyne xukun dil ah ku ridey 3 nin.

0
186

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku ridey 3 nin oo lagu soo eedeeyey in ay dagaalyahanada xarakada alshabaab xiriir la lahaayeen kuwaasoo maxkamadu ku xukuntey dil toogasho ah.

Nimankan oo in mudo ah xirnaa ayaan la garaneyn waxa ay ku muteysteen ciqaabta intaas la eg hase yeeshee go’aanka maxkamadu marka uu dhacayey ayuu garsooruhu sheegey in danbigu ku cadyahey,isagoon sheegin cid ay dileen iyo danbi ay faraha kula jireen markii la soo qabanayey.

Waa markii 3’aad ee ay maxkamada ciidamadu B/weyne xukun ciqaabeed ku rido eedeysaneyaal,waxeyna ku soo beegmeysaa iyadoo dawlada Jabuuti ay sheegtey in ciidamadeeda B/weyne jooga ay soo kordhineyso.