“TARSAN” Waa In La Abaabulaa Bulsho, Suggi Kareysa Ammaankooda, Si Looga Maarmo Ciidankaani Anshaxa Darada Ah.

0
481

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, ayaa Waxa Uu Markale Weeraray Ciidanka Dowladda,Isagoo Ku tilmaamay inaan lagu halayn karin ammaanka Magaalada Muqdisho Iyo Guud Ahaan Dalka.

Gudoomiye Tarsan Oo Maanta ka qaybgalay Munaasabada sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay, markii dib loo aas aasay Ciidanka Dab Damiska, Wuxuun tilmaamay in Ciidanka Dowladda ay u badan yihiin kuwo bilaa anshax ah, oo aan qaadi karin Masuuliyada ah, in ay suggaan ammaanka shacabka faraha badan, ee ku dhaqan Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho.

Mudane Tarsan ayaa Ugu Dambeyn Waxa Uu Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Ugu baaqay in ay abaabulaan bulsho, suggi kareysa ammaankooda, si looga maarmo Ciidanka uu sheegay Inaanay Laheyn Wax Anshaxa Ah.