“Ismaaciil Cumar Geele”Al-Shabaab Haddii Laga Heli Karo Aan Wada Hadalno Wax Badan Ayaa Suuroobi Laheyd.

0
462

Ismaaciil Cumar Gelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in ciidan dheeraad ah uu u dirayo Soomaaliya saddex todobaad gudahood, si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Shabaabul Mujaahidiin Isagoone Madaxweyne Geele Ku Sheegay Wareysi uu siiyay laanta af Soomaaliga ee VOA in xalka kaliya ee Al-Shabaab uu yahay in lala dagaalamo, maadaana aanay diyaar u aheyn wax wada hadal ah In Ey Galaan.

“Mr.Geele” Shabaabku Aan wada hadalno hadii laga heli karo wax badan ayaa suuroobi laheyd, Carab iyo Israa’iil waa wada hadlaan, laakiin meesha ay iyagu u socdaan iyo meesha aan u socono waa kala fog yihiin, in lala dagaalamo mooyee wax kale ma jiro”ayuu yiri.

Ugu Dambeyn Ayuu Madaxaweynaha Jabuti Carabka Ku Dhuftay In Guutada Sector, 4 Ay Yihiin qeybta ugu ballaaran ee gobolada dhexe, maadaama Uu Sheegay In kuwa kale Ay Ka ciidan badan yihiin, Balse Uu ku kalsoonyahay in ciidan dheeraad ah Uu u diro oo ay la howl galaan ciidanka Soomaaliyeed Si Loo Dabar Jaro Kooxda Al.Shabaab.