Madaxii gaashaandhiga ee ururki Xisbul islaam ayaa la qabtey isla markaana xabsiga la dhigey,ninkan oo lagu magacaabo Xuseen Cabdullahi ayaa dhawaan ka yimid dalka maleysia isagoo gurigiisa u socda ay la degeen ciidamo ka tirsan nabadsugida qaranka.
Xuseen Cabdullaahi xoghayihii hore ee gaashaandhiga ururki Xisbul islaam ayaa waxaa xirey nin ay isku heyb yihiin oo loo yaqaan Cali Madoobe kaas oo ka tirsan ciidamada nabadsugida qaranka,waxaana la sheegayaa in Xuseen Cabdullaahi uu Xisbul islaam ka tagey uuna waxbarasho u aadey dalka maleysia.
Ururka Xisbul islaam ayaa gudoomiyihiisi Shekh Xasan Daahir Aweys aya mudo 8 bilood gacanta ugu jira isagoo u xiran in ururkaas oo shabaab ku biirey ay ka tirsanaayeen,taas oo aan aheyn mid soomaalida isusoo dhaweyn kara,in ay kala fogeyso mooyee.
Ururka xisbul islaam ayaa kol hore ku biirey dagaalyahanada alshabaab iyadoo hadana hugaankoodi ay is fahmi waayeen isla markaana kasoo goosteen kuna bedesheen xabsi iyo in damaanad ay ku joogaan dalka ayna iska soo xaadiriyaan xafiisyada nabadsugida qaranka.




