Wasaaradda Garsoorka awqaafta iyo arrimaha Diinta oo soo saartey amar ka dhan ah feystooyinka kiristaanka.

0
498

Wasaaradda garsoorka diinta iyo awqaafta ayaa soo saartey amar ay ku cadeyneyso in aan gudaha dalka soomaaliya laga xusi karin ciidda kiristanka.

Amarkan oo uu aqriyey agaasimaha guud ee wasaarada garsorka diinta iyo awqaafta Shekh Cali dheere isagoo ka digey ciddii lagu arko wax u eg waxa dadka qaarki ay u yaqaaniin nataale ama neyruus kaas oo ah wax diinta looga bixi karo,dadkuna aysan ogeyn waxa ka dhalan kara weyneynta maalinta dadka masiixiyiintu ay weyneeyaan.

Amarkan ay soo saartey wasaarada garsorka diinta iyo awqaafta ayaa waxa uu ka careysiin karaa kistaanka dalka ku sugan sida ciidamada ka kala socda dawladaha Afrika,iyadoo amarku uu wada saameynayo dhamaan dalka gudihiisa,horana aan looga baran dawladihii dalka soomarey oo miciisan jirey ciidamada Amisom lamana oga sida uu amarkani uga dhaqangelayo xeryaha ay ciidamada amisom ku suganyihiin.