Booliska Dalka Kenya Oo Sheegay In Ay Soo Qabteen Ruux Lala Xiriirinayo Qarax Dhawaan Ka Dhacay Nairobi.

0
189

David Kimaiyo Oo Ah Taliyaha Booliska Kenya Ayaa Sheegay In Gacanta Lagu Soo Dhigay Wiil Lagu Magacaabo Maxamed Kaa Oo ku lug leh qaraxii habeenimadii sabtida ka dhacay Gaariga baska loo yaqaano Matatu, kuwasoo in ka badan 30,Ruux Ay ku dhaawacmeen Isagoona sheegay in su’aalo laga weydiindoona Arimaha Lagu Eedeeyey.

Ninkani oo horay ciidamada ammaanka Ay u xireen,lana soo taagay Maxkamad eedeymo la xiriiray falal argagixiso balse la sii daayay mar dambe, Ayaa Haatan Mr Kimaiyo Waxa Uu U jaray warqad lagu soo xirayo.

Warkani Ka Soo Yeeray Boliska Dalka Kenya ayaa Imaanaya Xilli Dhawaan Qarax La Sheegay In gaariga lala beegsaday Kaa Oo loo adeegsaday aalado waxyaabaha qarxa oo lagu qarxiyay taleefanka gacanta Uu Ku Dhex Qarxaya Bartamaha Magaalada Nairobi.