Jawaari Oo Digniin U Jeediyey Xildhibanada Aan Soo Xaadirin Kalfadhiyada Baarlamaanka.

0
466

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Waxa Uu ugu baaqey in 18ka bishan uu baarlamanka hor keeno RW-ha Cusub Ee Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa Sidoo Kale sheegey in Madaxweyne Xasan Sheikh looga fadhiyo sidii uu Baarlamanka u horkeeni lahaa RW-ha uu dhawaan soo magacaabey Isagoona Dhanka Kale Gudoomiye Jawaari uu ku amrey xildhibaanada ka maqan Baarlamanka in ay si deg-deg ah ugu soo xaadiraan kulamadda baarlamanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa waxaa uu intaasi kudaray in ay jiraan Xildhibaano doonaya in Baarlamanku uu gabo shaqadiisa, isagoona sheegey in Aaney raali ka noqondoonin Arintaasi.