M/weyne Xasan sheekh iyo r/wasaare C/weli sheekh oo kulan yeeshey kana wada hadley xukuumada soo socota.

0
191

Kulan maanta ay yeesheen m/weyne Xasan Sheekh Maxamu’d iyo r/wasaare C/weli Shekh Axmed iyagoo kawada hadley qaabka iyo tirada ay noqon doonto xukuumadda soo socoto.

M/weynaha iyo r/wasaaraha cusub ayaa ku heshiiyey in ay barlamaanka wada tagaan kadibna la soo dhiso xukuumad ka kooban 20 wasiir 20 w/kuxigeen 2 w/dawle iyadoo wax lagu qeybsan doono sidan soo socota:
m/weyne Xasan Sheekh wuxuu keenayaa 10 wasiir,iyo 10 w/kuxigen 1 wasiru dawle halka r/wasaraha isna sidoo kale laga rabo sidaas lamid ah,waana awood qeybsi labadooda kaliya ay galeen.

Waa markii ugu horeysey ee xukuumad uu r/wasaaruhu talo ku leeyahey la soo dhiso,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo gudoomiyaha barlamaanku baaq u jeediyey xubnaha barlamaanka in ay soo xaadiraan dhamaantood si loo ansixiyo r/wasaaraha iyo xukuumada uu soo dhisi doono.