Dagaal maalintii sadexaad ka socda gobolka sh/hoose deegaano ka tirsan.

0
499

Dagaal ayaa maalintii 3’aad ka socda kaas oo u dhaxeeya beelo wada dega gobolka sh/hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa awdhegle iyo janaale,dagaalka lama garanayo waxa uu salka ku haya,iyadoo dhawr goor uu dagaal ka dhacey gobolka deegaanadiisa kala duwan.

Gudoomiyaha gobolka sh/hoose C/qaadir siidii ayaa sheegey in ay ka maamul ahaan ka xunyihiin dagaalkaas gobolka ka socda,wuxuu ka codsadey Amisom iyo dawlada dhexeba in ciidan loo soo diro gobolka si ay u kala dhex galaan dadka ku dagaalamaya deegaanada gobolka ka tirsan.

Maahan markii ugu horeysey ee dagaal ka qarxo gobolka sh/hoose,waxuuse dagaalkani kusoo beegmayaa xili ay dhacdey xukuumadii uu hugaaminjirey dr Saacid uuna yimid mid cusub oo lagu magacaabo C/weli Shekh Axmed.

Waxaa lagama maarmaan ah in ay dadka soomaaliyeed fahmaan sida wada noolaanshuhu uga fiicanyahey in nolosha leysu diido,goboladuna ay ku kala horeeyaan isdhexgalka bulshada uuna ka horeeyo gobolka ay degenyihiin qabaa’il kala duwan gobolka ay degenyihiin hal qabiil oo kaliya.