Gudiyada barlamaanka oo go’aamiyey in m/weyne Xasan Shekh barlamaanka horkeeno R/wasaaraha uu magacaabey.

0
544

Gudiyada barlamaanka soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen barlamaanka soomaaliya xaruntiisa uuna gudoominayey gudomiyaha barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa lagu go’aansadey in m/weyne Xasan Sheeakh uu barlamaanka horkeeno r/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed.

Gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqey xubnaha barlamaanka in ay soo xaadiraan meel kasta oo ay joogaan ugu danbeyn maalinta talaadada soo socota.

Barlamaanka xubnihiisa ayaa inta badan ku maqan debedaha maadaama ay u badanyihiin qurba joog labo semi baasaboor ah,mana aha markii ugu horeysey ee xubnaha barlamaanka loogu yeero in soo xaadiraan,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo la filayo in r/wasaaraha iyo xukuumadiisa la ansixiyo.