R/wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed ayaa wada tashiyo kula jira odayaal iyo wax garad la leh si uu usoo xulo wasiiro qabta xilalka wasaaradaha ay ka koobantahey dawlada dhexe ee federalka soomaaliya.
R/wasaare C/weli ayaan aheyn sida kuwii hore oo m/weyneyaashu intey wasiirada soo diyaariyaan ku dhihi jirey saxiix oo iska dhig nin aniga iisoo gudbiyey,waxaase la filayaa in r/wasaarahani uu ka bedelnaan doono oo uu keeno wasiiro ay qeyb u kala leeyihiin M/weynaha,gud.barlamaanka iyo r/wasaaraha tirada wasiirada oo sadex loo qeybiyey.
Waa markii ugu horeysey ee xukuumad talo wax uun uu ku leeyahey wasiirka koowaad ee dawlada dhexe tan iyo markii dawladii kacaanku burburtey dawlado kmg ahina ka danbeeyeen kuwaas oo caanbaxey is qab qabsi madaxda sare ee dawlada sida m/weynaha,gud.barlamaanka,iyo r/wasaaraha.




