Ciidda ciidul adxaa ayaa si wanaagsan qabanqaabadeeda iyo diyaargarawgeeda looga dareemayaa magaalada muqdisho.
Dadka muslimiinta ah ayaa maanta oo kale waxey muujiyaan farxad rey reyn iyo salaamaha oo leys dhaafsado,sidaas darteed ayey dadka soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo debediisa jooga waxey hawada isu marinayaan salaamo iyo farxad iyagoo isu rajeynaya in sanadkan sanadkiisa eebe ku gaarsiiyo barwaaqo nabad iyo caafimaad qab buuxa oo cibaado wata.
Marka aad dhexmarto muqdisho inta badan waxaa ku xiran guryaha dhexdooda xoolo loogu talo galey udxiyada berri hadii alle qadaro,dad badan oo aan xoolaha la qalayo heysan ayaa jira waana in iyagana laga farxiyo waanan rajeyneynaa dhamaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaanba farxad, barwaaqo, iyo sanadkan kiisa kale oo ay ku gaaraan caafimaad cibaado leh insha allaah.




