Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo Hambalyo ku aadan ciidda ciidul adxaa u direy shucuubta islaamka.

0
174

Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aadan ciidda ciidul adxaa u direy guud ahaan caalamka islaamka gaar ahaan kuwa soomaaliyeed meel kasta oo ay ku noolyihiin,gudaha iyo dibadaba.

Kusimaha m/weynaha xisbiga midnimada jamhuuriga ahna gudomiye ku xigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux timajilic oo la hadley warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey go’aanki dhawaan madaxda midawga afrika ay ku gaareen Adisababa taas oo u muuqata in afrika ay caddaalada caalamka hor istaagto maadaama gudaheeda ay caddaalad ka dhalanweysey,waana nasiib daro in madaxda afrika maanta hugaamisaa ay difaacaan una hiiliyaan denbiyada dagaal,afrika iyadaa caddaalad u baahane looma baahna in madaxdeedu denbi difaacdo ayuu yiri kusimaha m/weynaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed.

Maahan markii ugu horeysey ee xmjs war soo saaro hase yeeshee kan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dawladaha midawga afrika ka codsadeen maxkamada (icc) in dib loo dhigo denbiyada loo heysto qaar kamid ah madaxda hugaamisa qaar kamid ah dalalka afrika,taas oo uu xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed aad u cambaareeyey.