Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed C/xakiin Saacid oo shir jaraa’id u qabtey warbaahinta ayaa sheegey in amniga magaalada muqdisho ay wax weyn ka qabteen leyskuna haleyn karo.
Gen. Saacid ayaa warbaahinta uga jawaabey su’aalo la xiriira amniga oo ay weydiiyeen,waxaana su’aalaha kamid ahaa su’aal aheyd S ma jiraan wax caqabad ah oo sugidda amniga idinka hortaagan?
Isagoo gen. Saacid ku jawaabey maya ma jiraan wax habayaraatee boliska soomaaliya ka hortaagan sugida amniga meel kastana wey ka hawlgeli karaan.
Maahan markii ugu horeysey oo taliska ciidanka bolisku sheego in amniga muqdisho wax laga qabtey hase ahaatee warkan ayaa imanaya xili maanta lagu laayey siinka dheer saraakiil ka tirsan maamulka .gobolka banaadir iyo dad rayid ah,oo aysan jirin gurmad iyo baaritaan ay sameeyeen ciidanka booliska soomaaliyeed,malaha gen.waxa uu qaadan waayey burburinta lagu sameeyey deegaanka 21 october agagaarkiisa oo tobanaan kun oo qoys bolisku si qasab ah uga rareen iyagoo kaashanaya kuwa Amisom.




