Dagaal aad u xoog badan ayaa xiligan ka socda duleedka magaalada muqdisho,gaar ahaan deegaanka Arbacoow.
Dagaalka ayaa waxaa bilaabey weerarkana soo qaadey dagaalyahanada Alshabaab iyadoo daryanka madaafiicda leysweydaarsanayo laga maqlayo meelo kamid ah magaalada muqdisho.
Lama oga khasaaraha kala gaarey ciidamada Amisom oo garab ka helaya ciidamada dawlada soomaaliya,maadaama ay tahey goor habeen ah,waxaana la ogaan karaa berito khasaaraha dagaalkan laga dhaxlo iyo wixii kusoo kordhaba wararka soo socda ayaan idinku soo gudbindoonaa insha allaah.
Maahan markii ugu horeysey ee ay alshabaab weerar ku soo qaadaan ciidamada Amisom balse weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo itobiya ku baaqdey in alshabaab laga adkaan karo oo kaliya iyadoo ciidamada soomaaliya dib loo habeeyo lana balaariyo,taas oo ka bedelan warkii ay hore u sheegi jireen kuwa ciidamadu ka joogaan gudaha dalka soomaaliya.




