Madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigii uu hugaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada muqdisho.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa kasoo qeygaley shir dawladaha Afrika ay ku lahaayeen magaalada Adisababa ee dalka ethiopia,iyadoo looga hadlayey doorka ay maxkamada aduunku ku leedahey dawladaha iyo madaxda afrika,taasoo mawqif mideysan ay ka qaateen madaxda iyo dawladaha afrika kuwaasoo ay kamid tahey dawlada soomaaliya ee uu hugaamiyo prof. Xasan sheekh maxamuud.
Maahan markii ugu horeysey ee madaxweynaha iyo madax la socota safar debeda ah aadaan shir ku metelaan dalkeena soomaaliya haseyeeshee shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo isfahamwaa soo kala dhexgaley dawlada federalka iyo maamulka juba ee uu hugaamiyo Axmed Madoobe.




