Xuseen Xasan Cali Mahadi gudomiye waaxeed kamid ah gud.waaxeedyada deg.dharkeynley oo lagu diley siinka dheer.

0
451

Gudoomiye waaxeed kamid ah degmada dharkeynley ayaa lagu diley siinka dheer ee Afgoye,allaha u naxariistee gudomiye waaxeedkan ayaa lagu magacaabijirey Xuseen Xasan Cali Mahdi iyadoon la ogeyn sababta ay u dileen raga toogtey.

Gudomiye waaxeedkan ayaa waxaa toogtey ciidamo ka tirsan guutada uu xukumo gen.Goobaale,waxaana sidoo kale goobta ku dhintey qof kale halka afar qof kale ay ku dhaawacmeen siinka dheer oo ciidamadaasi kusoo weerareen baabuur tikniko ah,tan oo ka yaabisey dad badan oo goobta ku sugnaa.

Ciidamada dawlada ayaan cidina u raacanin cidii ay dilaan kufsadaan ama dhacaan,waana mid aan hore u dhicin mida maanta ka dhacdey siinka dheer ee u dhaxeeya muqdisho iyo afgooye.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidanka booliska soomaaliya ay maanta sheegey in amniga magaalada muqdisho ay waxbadan ka qabteen una diyaarsanyihiin in ay wax ka qabtaan meel kasta oo amni darro ka jirto.