Dagaalyahanada Alshabaab oo xukun dil iyo xad gacan iyo luggooyo ah ka fuliyey deg.Buuloberde.

0
611

Labadan nin oo mid kamid ah lagu eedeeyey jaajuusnimo halka kan kalena la sheegey inuu isbaaro u dhigtey dad musaafir ah ayaa lagu kala xukumey dil iyo xad gacan iyo lug isdhaaf ah in laga gooyo ayaa xarakada alshabaab waxey ka fuliyeen degmada Buuloberde.

Xarakada alshabaab ayaa waxey dabaqaan sida ay sheegaan shareecada islaamka mana aha markii ugu horeysey oo ay xarakada alshabaab dad ku fuliyaan xukunno kala duwan iyadoo tani kusoo beegmeysa xili alshabaab lagala wareegey inta badan meelihii ay maamuli jireen oo hada gacanta ugu jira dawlada iyo ciidamada Amisom.

Xarakadda alshabaab ayaa dagaal kula jirta ciidamada amisom iyo dawlada iyagoo qaraxyo falal dhagar ah ku qaada meelaha ay maamusho dawladu,xili dawladu leedahey waan cirib tirney kana adkaaney alshabaab,xilli shir la sheegey in culimo xaga diinta ahi ay go’aano iyo qodobo ka dhan ah alshabaab ay kasoo saareen hotel muqdisho kuyaal.