Mid kamid ah odayaasha dhaqanka laguna magacaabi jirey cabdullaahi macalim ayaa lagu diley magaalada B/weyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Odey dhaqameedkan oo ka mid ahaa odayaashi barlamaanka soo xuley ayaa waxaa toogtey labo nin oo wajigooda soo qariyey xilli uu gurigiisa kasoo baxey,iyagoo ka baxsadey goobti ay marxuumka ku dileen.
Maahan markii ugu horeysey ee odey dhaqameed lagu toogto b/weyne lamana oga waxa taargedka ka dhigey odayaasha dhaqanka gobolkaas iyadoo ay u muuqato in odayaasha gobolkaasi ay door weyn ku leeyihiin siyaasadda iyo arrimaha bulshada,waxeyna kusoo beegmeysaa xilli m/weynaha soomaaliya uu booqasho ku tagey gobolka hiiraan caasimadiisa B/weyne.




