Dilka labadan nin ee ajnebiga ah iyo mid soomaali ah ayaa ka dhacey gobolka Gedo magaalada baardheere tuulo ku dhaw,waxaana la kala yiraa magacyada labada ajnebiga ah 1 Abuu mansuur al ameriki(cumar sh xamaami).
2 osama albiridaani oo asalkoodu kasoo kala jeedo syria iyo pakistaan,waxeyna kala heysteen dhalashada dalalka mareykanka iyo ingriiska.
Dilka ragan muhaajiriinta ah ayaa maanta soo shaacbaxey kadib markii dhawr goor uu sheegey Abuu mansuur al ameriki in la dilayo naftiisuna ay halis ku jirto,isla markaana mar soo dhigey barta internetka isagoo dhaawac kaga yaalo qoorta oo dhiig ka qulqulayo,hase yeeshee qeyladhaantan waxba kama faa’iidin,waxa uuna ugu danbeyntii sheegey in uu ka baxey xarakada alshabaab,fekerkooduna uu yahey mid diinta looga beensheegayo,sheegeyna in laga watey naagihii uu isagu qabey.
Dilka ragan ayaa waxaa sheegtey xarakada dagaalyahanada Alshabaab iyagoo ku qorey barta cusub ee ay ka sameysteen Twitterka,iyadoo hore loo diley ibraahim afqaan iyo macalim Burhaan,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo alshabaab laga qabsadey gobolo iyo degmooyin farabadan oo dalka soomaaliya ah.




