Banaanbaxan maanta ka dhacey gobolka Banaadir ayaa lagu taageerayey heshiiski dhawaan ku heshiiyeen dawlada dhexe ee soomaaliya iyo maamulka kmg ee jubba,iyadoo lagu muujinayey shucuurta shacabka ku nool muqdisho sida ay raali uga yihiin heshiiskaas itoobiya lagu soo gaarey. Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qeybgaley wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xuseen guuleed oo dadka qaarki sheegayee in isaga wasiiro kale aysan heshiiska raali ka aheyn,duqa ahna gudomiyaha gobolka maxamuud axmed nuur tarsan kuxigeenada maamulka gobolka iyo gudoomiyeyaasha 17ka degmo ee gobolka banaadir ka koobanyahey,waxeyna dhamaantood sheegeen in maanta loo baahanyahey in soomaalidu is qaadato oo dhexdeeda ka heshiiso. Taageeradan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay jiraan kooxo dano kale leh oo kasoo horjeestey heshiiskan la filayo in lagu soo afjaro murankii ka taagnaa maamul u sameynta gobolada jubbooyinka ayna daba socdaan shirar gudaha lagu qabto.




