Allaha u naxariistee waxaa caawa qarax walxaha qarxa oo gaarigiisa lagu xirey ku geeryoodey ex s/xle Qaasim Taakow isagoo ka tirsanaa hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.
Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmey askeri ilaalo u ahaa kaas oo cisbitaalka loola cararey,waxaana goobta ku basbeeley gaarigii qaraxa lagu xirey,mana jiro cid loo qabtey qaraxa,iyo cid sheegatey in ay ka danbeysey.
Qaraxyada oo ah kuwo jooto ka ah magaalada muqdisho ayaa hadana kani imanayaa xili la filayo in shirar dib u heshiineed lagu qabto magaaladan muqdisho,waxaa lala xiriirinayaa in ay ka danbeeyaan dagaalyahanada xarakada Alshabaab oo lagu yaqaan in ay qaababkan oo kale u naafeeyaan cid kastoo kasoo horjeedo muslim sheego ama gaal ahoow’e.




