Shirweyne lagu sheegey in uu yahey wada tashi mustaqbalka dalka soomaaliya oo maanta furmey.

0
496

Shirkan oo loogu yeerey shir weyne wada tashi mustaqbalka qaranka ayaa maanta ka furmey magaalada muqdisho hottel jazira,waxaana kasoo qeyb galey shirkana furey madaxweynaha dalka soomaaliya prof. Xasan Sheekh Maxamuud,iyadoo sidoo kale ay goobta joogeen xubno ka mid ah golaha xukuumada iyo barlamaanka soomaaliya.

Shirkan oo bulshadu maalin ka hor maqashey ayaa u muuqanayey mid aan istaahilin magaca loogu yeerey wuxuuna ahaa mid koox gaar ahi majaraha u heysey ciddey rabteyna ay casumtey,shirkan oo ay wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranku wadey ayaa qaar kamid ah madaxda wasaaradaasi ogeyn ilaa ay media ka maqleen.

Shirkan maahan kii ugu horeeyey oo sidiisa oo kale ah hase yeeshee waxaa goobjoog ahaa ergeyga qaramada midoobey soomaaliya u qaabilsan Nekoloskey,waxaana sida looga bartey shirarkan ay yihiin kuwo dano gaar ah laga leeyahey go’aanada kasoo baxaana ay meel sii yaaliin,lase arki doonee waxa lagu tilmaamo in ay shirka kasoo baxeen.