Kulanka golaha xukuumada soomaaliya oo looga hadley qodobo amniga la xiriira.

0
554

Kulankan oo ah mid caadi ah uuna shir gudoominayey kusimaha R/w ahna wasiirka kheyradka c/risaq maxamed ayaa waxaa lagaga hadley arrimo la xiriira dhanka amniga.

Waxaana si heer sare ah loogu amaaney hey’adaha amniga sida wasarada arrimaha gudaha,iyo wasaarada gaashaandhiga iyadoo lagu amaaney hawlo isbaaro sifeyn ah oo beryahan ka socotey gobolka sh/hose iyo sifeynta wax ay ugu yeereen cadawga nabaddiidka oo ay ula jeedaan la dagaalanka xarakada dagaalyahanada Al-shabaab.

Sidoo kale waxey xukuumadu amaan u jeedisey dawlada kenya oo dhawaan soo afjartey werarki lagu qaadey westgate mall ee nairobi,waxeyna xukuumadu codsatey in laga taageero sidii ay ula dagaalami lahaayeen alqaacida iyo alshabaab,waxey sidoo kale xukuumada kulankeeda loogu digey warbaahinta gudaha qaarkeed oo lagu eedeeyey in ay iska horkeen iyo khilaaf ka shaqeeyaan kuwaas oo sida la sheegey lala xisaabtami doono.

Ugu danbeyntiina wasiir kuxigenka wasaarada warfaafinta bostada iyo isgaarsiinta c/shakuur mire uu amaaney shacabka gobolkan banaadir isagoo ku amaaney sida ay ciidamada ula shaqeynayaan.