Shil Diyaaradeed Oo Maanta Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa.

0
493

Diyaaradda {DAALLO AIRLINES,} oo saaka ka soo degtay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa mid ka mid ah baalasheeda ku dhufatay Dhismaha Tarminaalka, markii ay joogsanaysay Baarkinka loogu talo-galay inay diyaaradu dadka kaga Dagaan.

Sida Ay Inoo Xaqiijiyeen Goob Joogayaal ku sugnaa Madaarka Hargeysa, in diyaaradda oo aad ugu dhawaatay dhismaha Tarminaalku ay mid ka mid ah baalasheeda ku dhufatay gidaarka dhismahaasi, kaasi oo ilaa hadda ay kula jirtoMaamulka Madaarka Hargeysa iyo maamulka diyaaradda ayaa iska kaashanaya sidii diyaarada looga samatixi gidaarka Terminaalka oo weli baalka kula jirto Iyadoona, Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, aysan ilaa Iyo hadda ka hadlin shilkan kooban oo aan la ogeyn inay diyaarada dhibaato ka soo gaartay ku noqon doonto.

Shilkani Diyaaradeed, ayaa ku soo Aadaya xilli maalmihii u dambeeyay muran badani Uu ka taagnaa dayactirka madaarka diyaaradaha Hargeysa oo xisbiyada Mucaaradka Ay dhaliileen markii diyaradda Ethopian Air Diiday Iney Soo Caga Dhigato Madaarka Hargiesa.