Ku Dhawaad Saddex ruux ayaa ku dhaawacantay weerarka bambaano oo la sheegay in rag hubeysan ay la eegteen ciidamadda Kenya,Kuwaa Oo Marayey wado ku taal bartamaha magaalada iyagoona ciidamada Ay Fureen Rasaas Xoogan.
Ciidamada ammaanka ayaa howl galo waxa Ay Goobta weerarka Bambaano Lagu Soo Qaaday Iyadoona Weerarkani uu ku soo beegmayo afar maalmood kadib markii weeraro dhiig fara badan ku daatay oo lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate Mall magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya.
Gobolka Waqooyi Bari Kenya Deeganada Ay Ka Koobantahay ayaa waxaa ku soo badanayay weerarada bambaano iyo dilalka, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Kenya ay galeen sanadkii 2011 Soomaaliya Iyadoona Ay Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab ku hanjabtay in weeraro ay ka geysanayso gudaha Kenya, kaasoo ay ugu jawaabeyso duulaanka Kenya, waxaana ay ugu baaqday in Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, hadii kale aysan nabad noqon doono magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi Kenya.




